Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo lagu helay dembiyo maaliyadeed

0
339

Donald Trump oo horay madaxweyne uga soo noqday Maraykanka ayaa lagu cadeeyay dembiyo la xiriira maaliyadda.
Waxaa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykanka oo isagoo xil haya ama horay u soo qabtay lagu helo inuu dembi galay.
Maxkamad ku taalla magaalada New York City ayaa go’aankan soo saartay ka dib toddobo isbuuc oo uu socday dhageysiga dacwadii ka dhanka ahayd Trump.
Galinkii dambe ee shalay ayay maxkamaddu ku dhawaaqday in Donald Trump uu qaadanaya mas’uuliyadda ilaa 34 eedeymo ah oo loo haystay.
Waxaa uu wajahayay dacwado ku saabsan inuu isbeddelo ku sameeyay dokumeentiyada ganacsiga ee la xiriiray lacago la siiyay Stormy Daniels oo ka mid ah jilayaasha filimada anshaxa xumada ah ka hor doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2016-kii.
Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in Donald Trump uu isku dayay inuu qariyo lacagaha la bixiyay si uu hoggaanka ugu sarreeya ee Maraykanka ugu guulaysto taasi oo u suuragashay.
Hasa ahaate , Trump oo lagu wado inuu bisha 11-aad ee sanadkan xilka madaxtinnimo kula tartamo Joe Biden ayaa sheegay in uunan sameyn dembiga lagu eedeyay wuxuuna tilmaamay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamadda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maxkamaddu sheegtay in ay Donald Trump xukun ku ridi doonto 11-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.