Waxaa socoto tirinta codadkii ay dadweynaha dalka Koonfur Afrika ka dhiibteen doorashadii shalay qabsoontay.
Tirinta codadka ayaa soo billaabatay ka dib markii ay abaare 9-kii fiidnimo ee xalay soo idlaatay codeynta.
Natiijada kama dambeyska ah ee doorashada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ka hor Axadda.
Shacabka Koonfur Afrika ayaa ka qayb qaatay doorashada guud iyo midda gobllada.
Waxaan weli caddeyn in la gilgili doono awoodda siyaasadeed ee xisbiga ANC ee dalkaasi hoggaaminayay muddo 30 sano ah.