Dowladda oo shaacisay xilliga ay ardayda aadayaan fasaxa maalmaha ah

0
494

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa dib u eegis ku sameysay taariikhyada loogu talagalay in ardayda ay fasax maalmo ah helaan xilli dugsiyeedka labaad ee sanadkan .
Tani ayaa looga gol-leeyahay in ardayda ay waqti u helaan qaadashada casharradii horay loo qorsheeyay ee uu dib u dhaca ku yimid intii ay dugsiyada xirnaayeen saameyntii daadadka awgeed.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa maanta shaaciyay in ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa dugsiyada sare la fasixi doono 26-ka ilaa 28-ka bisha Lixaad ee June ee sanadkan.
Taariikhyadii hore ee hadda isbeddelka lagu sameeyay ayaa ahaa 20-ka ilaa 23-ka bisha June.