Doorasho guud oo maanta ka dhacaysa Koonfur Afrika

0
224

Waxay maanta doorasho guud ka qabsoomaysa dalka Koonfur Afrika iyadoo goobaha codbixinta ay furmeen abaare 7-dii aroornimo.
Dadweynaha ayaa codadkooda dhiiban doono ilaa abaare 9-ka fiidnimo ee caawa.
Doorashooyinka oo isugu jiro heerar qaran iyo kuwo goboleed ayaa natiijada ka soo baxda la filayaa in ay isbeddel ku keento maamulka hoggaamineed ee xisbiga ANC ee soo jiray muddo 30 sano ah.
Waxaa jagooyinka kala duwan ku tartamaya musharraxiinta xisbiyo gaaraya 70.
Natiijada horudhaca ah ayaa la rajeynaya in ay soo baxdo saacado gudahooda marka ay codeynta soo idlaato ka hor inta aan Axadda la shaacin natiijada kama dambeyska ah.