Spain oo hal bilyan oo Euro siinaysa Ukraine

0
186

Dowladda dalka Spain ayaa taageero militari oo dhan hal bilyan oo Euro u ballan qaadday Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii ay magaalada Madrid heshiis amni ku wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez iyo madaxweynaha Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy .
Shir jaraaid oo ay maanta si wadajir ah u qabteen ayay ka sheegeen in taageeradan dhaqaale ee dhanka militariga ah la bixinaya sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weli Ruushka uu duullaan militari ku haya xukuumadda Kyiv.