Dowladda oo dib u eegis ku sameynaysa siyaasadda dibadda

0
186

Dowladda dhexe ee dalka ayaa billowday in ay dib u eegis ku sameyso siyaasadeeda arrimaha dibadda ee ay adeegsanaysay tan iyo sanadkii 2014-kii.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ,Korir Sing’oei.
Ujeeddada laga leeyahay dib u eegista ayuu ku sheegay in la xaqiijiyo in shacabka caadiga ah ay ka qayb qaataan dhaqangelinta siyaasadda ay Kenya kula macaamisho waddamada kale ee caalamka.
Sing’oei ayaa xusay in dib u eegista ay noqon doonto mid ballaaran oo ugu horreyn dadweynaha fursad loo siin doono in ay aragtidooda ku biiriyaan ka hor inta uunan ansixin golaha wasiirrada oo aan loo sii gudbin baarlamaanka.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa ku saleysan arrimaha dhaqaalaha ,nabadgalyada , deegaanka , dibloomaasiyadda , dhaqanka iyo daryeelka qurbajoogta kenyaanka ah.