Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka Aaron Cheruyoit ayaa barasaabyada ismaamullada Mombasa iyo Kilifi ku dhaliilay go’aanka ay ku mamnuuceen in dowlad deegaannadaasi la soo geliyo , lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxaa uu xusay in barasaabyada iyo golayaasha hoose ee ismaamullada aynan awood dastuuri ah u lahayn tallaabadan.
Waxaa uu tilmaamay in barasaabyada Mombasa iyo Kilifi laga doonaya in ay billaabaan geeddisocod arrinkan ku aaddan oo ay u bandhigayaan baarlamaanka iyo aqalka sare ee dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maxkamadda la geeyay dacwad looga soo horjeedo mamnuucidda qaadka Mogokaa.
Peter Odhiambo Agoro iyo Michael Mutembe Makarina ayaa ku doodaya in qaadkan uunan daroogo ahayn .
Ganacsatada deegaanka Mbeere ee ismaamulka Embu ee qaadkan laga soo saaro ayaa dhankooda cabasho ka muujinaya in tallaabada ay qaadeen qaar ka mid ah hoggaamiyaasha ismaamullada xeebta ay saameyn ku yeelanaysa ganacsigooda.
Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee maamulka ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka daroogada John Mututho ayaa sheegay in isticmaalka xad dhaafka ah ee qaadka iyo mogokaa ay halis tahay.