UDA oo maanta doorasho ku celis ah ku qaban doonta Kasarani

0
106

Xisbiga talada wadanka haya ee (UDA) ayaa maanta doorashooyin ku celis ah ku qaban doono labo ka mid ah deegaannada hoose ee deegaan baarlamaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee UDA Anthony Mwaura ayaa sheegay in doorashooyinka lagu qaban doono deegaannada hoose ee Mwiki iyo Clay City .
Mwaura ayaa bayaanka ku xusay in loo tartami doono dhammaan jagooyinka hoggaamineed ee deegaannada hoose ee xisbiga UDA.
Waxaa uu ku baaqay in nidaamka doorashada iyo xasilloonida guud la ilaaliyo.
Xisbiga UDA ayaa doorashooyinkiisa hoose ku qabtay ismaamullada Nairobi, Narok, West Pokot, Homabay iyo Busia.
Hasa ahaate, codeynta ayaa lagu celiyay ugu yaraan 10 ka mid ah deegaannada hoose ee saddex ismaamul ka dib wax isdaba marino la soo tabiyay.