Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof iyadoo shan kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru.
Shilka oo saaka dhacay ayaa u dhexeeyay gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Labada gaari ayaa ku wajahnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wadaha mataatuuda oo ay leedahay shirkadda Sifa Line uu isku dayay inuu gaariga xamuulka ka hor maro taasi oo sababtay in ay isku dhacaan.
Waxaa isla markiiba goobta gaaray ciidamada waaxda taraafikada oo baabuurta shilka galay u jiiday saldhigga booliiska ee Molo.
Maydka haweeneyda shilka ku geeriyootay oo ay da’deedu ahayd 24 sano ayaa la geeyay goobta maydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Molo halka shanta qof ee dhaawacmay la daaweynaya.