Haweeney loo soo xushay xilka madaxa cadaaladda oo sheegtay in ay shacabka si hufan ugu adeegi doonto

0
580

Garsoore Martha Koome oo guddiga adeegga waaxda garsoorka dalka ee JSC uu turxaan bixin ka dib u soo xushay in ay noqoto madaxa cadaaladda ee wadanka ayaa ballanqaad sameysay.
Waxay sheegtay in hadii baarlamaanka uu ansaxiyo magacaabideeda ay inta karaankeeda ah shacabka si hufan ugu adeegi doonto.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu magaca Martha Koome ku wareejiyay baarlamaanka si loo ansaxiyo .
Mrs. Koome ayaa xubnaha guddiga JSC uga mahadcelisay kalsoonida ay u muujiyeen maadaama la turxaan bixiyay sagaal qof oo kale.
Koome ayaa carrabka ku dhufatay in ay Sharaf u tahay in ay ku soo baxday geeddisocod su’aalo weydiin oo ahaa mid adag.
Waxay ku celcelisay in ay ka go’an tahay u adeegidda dalka.