Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhigiisa Maraykanka

0
426

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhigiisa Maraykanka Joe Biden kula kulmay magaalada Washington DC.
Waxay madaxtooyada Maraykanka looga arrimiyo ee White House ay ku yeesheen wada hadal ku saabsan arrimaha tiknolojiyadda.
William Ruto ayaa dowladda madaxweyne Joe Biden uga mahadceliyay oo ku bogaadiyay in ay khayraad dheeraad ah ku maalgelinaysa saaxadda dhijitaalka ee Kenya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay ballaarin doonto fursadaha shaqo oo aynan keliya wax ka beddeli doonin nolosha kenyaanka balse si guud shacabka qaaradda Afrika.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in uunan jirin iskaashi ka qiimo badan mid ku saleysan tiknolojiyadda.
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ka dib la kulmay guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka Mike Johnson iyo xubnaha kongareeska ee ka kala tirsan xisbiyada jamhuuriga iyo dimuqraadiga labaduba.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu sii xoogeysto xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Maraykanka si loo xalliyo isku dhacyada iyo amni darrada ka jirta qaaradda si gaar ah gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne William Ruto ayaa loo aqoonsaday xubin sharafeed ka tirsan ururka mas’uuliyiinta madowga ah ee kongareeska Maraykanka ee (CBC).