Guddoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatay safiirka Pakistan ee Kenya

0
214

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ,Moses Wetangula ayaa ku baaqay joogteynta iskaashiga dibloomaasiyadeed ee ka dhexeeya Kenya iyo Pakistan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Pakistan ku matalo Kenya Ambasadoor Ibrar Husnain Khan.
Wetangula ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay daneynaysa xoojinta wada shaqeynta dhanka ganacsiga , maalgashiga iyo waxbarashada.
Waxaa uu xusay in caleenta shaaha ee laga soo saaro gudaha wadanka loo iibgeeyo Pakistan.
Waxaa uu tilmaamay in isaga iyo safiirka Pakistan ee Kenya ay ka wada hadleen sare u qaadidda iskaashiga dibloomaasiyadeed iyo ganacsiga si ay shacabka dalalkan uga wada faa’iidaan.
Wetangula iyo Khan ayaa sidoo kale isla eegay qaabka baarlamaannada dowladahan ay isku garabsan karaan.
Danjire Khan ayaa dhankiisa sheegay in Kenya ay Pakistan u tahay saaxiib istaraatiiji ah marka la eego qaaradda Afrika isagoo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalkan ay xoojiyaan kobaca dhaqaale , isdhaafsiga arrimaha dhaqanka iyo xasilloonida gobolka.