DHAGEYSO:Khuburrada shaybaarka oo dibadbax ka sameeyay Nairobi

0
463

Waxaa xarunta wasaaradda caafimaadka ee dalka ee magaalada Nairobi dibadbax ka sameeyay dhakhaatiirta ka howlgalo shaybaarrada isbitaallada dowladda ee ku mideysan ururka qaran ee s (KNUMLO).
Waxay dalbanayaan in mushaar kordhin loo sameeyo sidoo kalena ay helaan caymis caafimaad.
Khuburradan ayaa sheegay in ay shaqo joojin ku guda jireen 50 cishe balse ilaa iyo hadda wasaaradda caafimaadka ee dowladda sare iyo golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG aynan wax heshiis ah la gaarin.
Waxay ku doodayaan in aan la siin tixgelinta ay mudan yihiin taasi oo sababtay in ay shaqo joojinta sii wadaan.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee saraakiisha caafimaadka ee shaybaarrada ee (KNUMLO) ,Pius Nyakundi ayaa warbaahinta la wadaagay tabashooyinkooda.