DHAGEYSO:3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Mombasa

0
419

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhinteen shil saaka ka dhacay aagga loo yaqaano Makupa.
Waxaa dhacdadaas ku dhaawacmay 5 qof oo dheeraad ah.
Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Darawalkii kaxeynayay mataatuuda oo ah nooca qaadda 14 qof oo rakaab ah ayaa lumiyay xakameynta gaariga taasoo keentay in baabuurka uu wadada ka baxo ugu dambeynta ay isku dhacaan mid kale.
Mataatuuda ayaa ka timid dhanka degmada Makupa waxayna ku wajahneyd deegaan baarlamaneedka Changamwe .
Taliyaha ciidamada taraafikada ee gobolka xeebta Peter Maina ayaa warbaahinta u xaqiijiyay shilkan dhacay abaare 7-dii subaxnimo iyo khasaaraha ka dhashay

Sidoo kale Asunga Ruben oo waday baabuurka xamuulka ayaa ka warramaya sida uu shilku u dhacay.