Adeegga qaabilsan maareynta qaabka ay ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee wadanka ugu biirayaan machadyada iyo jaamacadaha ee (KUCCPS) ayaa sheegay in arday dhan 134,743 ay wax ka baran doonaan jaamacadaha dowliga ah.
Madaxa fulinta ee adeeggan ,Agnes Wahome ayaa hoosta ka xarriiqday in arday gaaraya 18,558 loogu talagalay in ay ku biiraan jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
11,991 oo ka mid ah ardaydii helay buundada C+ ee loogu biiro jaamacadaha ayaa doorbiday in ay bartaan culuunta shahaadada heerka Diploma.
Guddoomiyaha guddiga maamulo KUCCPS ,Cyrus Gituai, ayaa sheegay in ardayda badankoodu ay soo codsadeen barashada culuunta tacliinta.
Sidoo kale marka la eego jinsiyadda , wiilasha ayaa gabdhaha uga badan barnaamijyada heerka jaamacadeed ee Degree-ga iyadoo gabdhaha inta badan la geeyo machadyada farsamada ee TVET.
Gituai ayaa sheegay in nidaamka ardayda codsiyada soo dirsaday ee sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da loogu kala qaybiyay jaamacadaha iyo machadyada , uu ahaa mid daahfuran.
Waxaa uu tani u aaneeyay in sanadihii ugu dambeeyay ay dejiyeen hannaan iyo xeerar lagu hubinayo in geeddisocodkan uu noqdo mid wax ku ool ah , daahfuran oo cadaalad ah.