Madaxweynaha dalka oo baaq u diray maamullada jaamacadaha Maraykanka

0
375

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maamullada jaamacadaha ku yaalla Maraykanka sida Johns Hopkins iyo Harvard ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay barnaamijyo iskudhaafsan lahaayeen xarumaha tacliinta sare ee Kenya.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in barnaamijyada jaamacadeed oo la is dhaafsado ay xoojinaysa aqoonta ardayda dalka ee dhanka cilmi baarista caafimaadka.
Waxaa uu bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya maamullada caafimaadka ee Maraykanka iyo machadka dalka ee sameeya cilmi baarista caafimaad ee (KEMRI) .
Madaxweynaha ayaa codsaday in machadka KEMRI la siiyo deeq lacageed oo dheeraad ah si loo xoojiyo wax soo saarka dhanka sayniska ee Kenya.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay qorshaha degdegga ah ee xafiiska madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan gurmadka ka dhanka ah cudurka AIDS-ka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu khudbad ka jeedinayay xarunta dhexe ee CDC ee magaalada Atlanta ee gobolka Georgia oo Maraykanka u qaabilsan xakameynta cudurrada.
Tan iyo sanadkii 2003-dii, dowladda Maraykanka ayaa ugu yaraan 8 bilyan oo doollar ku bixisay barnaamijyada ay Kenya kula tacaasho fayraska HIV-da sida laga soo xigtay safaaradda Maraykanka.
Dhaqaalahan ayaa lagu taageeraa in ka badan 1.6 milyan oo qof oo la nool HIV-da ee gudaha dalka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweyne William Ruto uu maanta booqdo machadka Spelman College ee magaalada Atlanta si uu diiradda u saaro doorka muhiimka ah ee tacliinta sare gaar ahaan sayniska iyo tiknolojiyadda ay ka qaataan soo jiidashada maalgashiga.