Hanti dhowraha qaranka oo walaac ka muujisay in la yareeynaya miisaaniyadda daadadka

0
233

Hanti dhowraha guud ee dalka Nancy Gathungu ayaa walaac ka muujisay soo jeedin ah in lacag dhan ugu yaraan 3 bilyan oo shilin laga dhimaya miisaaniyadda looga falceliyo saameynta daadadka.
Gathungu ayaa arrinkan shaaca ka qaadday xilli ay shalay ka soo hormuuqatay guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qiyaasta maaliyadeed ee la soo bandhigay ay ku caddahay in aan lacago ku filan loo qoondeyn yareynta saameynta fatahaadaha iyo cunno yarida.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu u baahan yahay in ka badan 80 bilyan oo shilin si looga soo kabto burburka uu kaabayaasha gaarsiiyay fatahaadka ka dhashay roobabka culus ee da’ay.
Sidoo kale hanti dhowraha qaranka ayaa su’aal gelisay in la soo jeediyay yareeynta miisaaniyadda xafiiskeeda oo laga dhimay in ka badan 270 milyan oo shilin.
Waxay carrabka ku adkeysay in tallaabadan ay saameyn doonto howlahooda sida diyaarinta warbixinnada hanti dhowrka.