Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqday xaqiijinta badqabka ardayda

0
295

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maamulayaasha dugsiyada ku boorrisay in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu hubinayo badqabka ardayda.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni Muriuki ayaa sheegtay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta caafimaadka ardayda iyadoo ay saameyn ka dhalatay roobabkii da’ay iyo fatahaadaha.
Waxay sheegtay in sare loo qaaday adeegyada nadaafadda ee xarumaha waxbarashada si looga hor tago in carruurta ay saameeyaan cudurrada ka dhasha nadaafad darrada ee uu daacuunka ka mid yahay.