DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda

0
324

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa hoggaamiyaasha iyo shacabka uga digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay mid laga soo gudbay oo haddii lagu mashquulo qaranka dib u dhac ku keenaysa.
Mudavadi ayaa tilmaamay in doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii ay caddeysay in Kenya aynan dani ugu jirin siyaasad qabyaaladeysan.
Waxaa uu xusay in ay jireen isbeheysiyo aan horay loo filan isagoo tusaale u soo qaatay taageeradii uu madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta u muujiyay madaxa mucaaradka Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo in madaxweyne William Ruto uu taageero ka helay gobolka Bartamaha dalka.
Musalia Mudavadi oo digniintan diray xilli uu ku sugnaa deegaanka Ikolomani ee ismaamulka Kakamega ayaa sidoo kale ka hadlay culeysyada dhaqaale ee wadanka ka jiro , muhiimadda ay leedahay in deymaha la bixiyo iyo faa’iidada laga dhaxlo xasilloonida isagoo tusaale u soo qaatay dhibaatooyinka ka taagan dalka Suudaan

Waxaa uu mar kale ka hadlay taageeradii uu madaxweynaha dalka William Ruto u muujiyay musharraxnimada Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da.