Madaxtooyada oo faahfaahisay safarka madaxweynaha uu ku tagaya Maraykanka

0
306

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa faahfaahin ka bixiyay safarka uu madaxweyne William Ruto ugu ambabaxaya Maraykanka.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu booqan doono xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada ee CDC iyadoo halkaasi lagu saxiixi doono heshiis iskaashi oo xaruntan kala dhexeynaya machadka sameeya cilmi baarista caafimaad ee dalka ee KEMRI.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale la kulmi doono qurba joogta kenyaanka ah ee ku nool magaalada Atlanta ee Maraykanka .
Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa xarunta shirkadda soo saarta cabitaannada ee Coca Cola isagoo sidoo kale ka qayb geli doono wada hadal ku saabsan tacliinta sare iyo sayniska.
Madaxweynaha oo ay weheliso marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa 20 ilaa 21-ka bishan ku sugnaan doono magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ka hor inta uunan 23-ka May u sii gudbin aqalka cad ee White House ee looga arrimiyo Maraykanka ee magaalada Washington DC.
Duqa magaalada Atlanta Andre Dickens ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay hoggaamiyaha Kenya.
Dickens ayaa bayaan ku sheegay in ay sharaf u tahay inuu madaxweyne William Ruto halkaasi ku soo dhaweeyo si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka dhinaca dhaqanka iyo dhaqaalaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Atlanta ee Maraykanka waxaa uu la kulmi doonaa madaxda ururrada rayidka , maalgashato , aqoonyahaannada dhaqaalaha iyo maamullada caafimaadka ee caalamiga ah.
Sidoo kale isaga iyo duqa magaalada Atlanta , Andre Dickens ayaa ka wada hadli doono istiraatiijiyooyinka lagu horumarinaya guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo.
William Ruto ayaa noqonaya madaxweynihii 6-aad ee uu dhigiisa Maraykanka Joe Biden u fidiyo casuumaad rasmi ah marka laga soo tago hoggaamiyaasha dalalka Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, India , Australia iyo Japan.
Safarka madaxweynaha ee Maraykanka ayaa la filayaa inuu sare u sii qaado danaha dhanka nabadgalyada iyo ammaanka ee ay wadaagaan Kenya iyo Maraykanka oo uu 60 sano ka dhexeeyay xiriir dibloomaasiyadeed.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doono iskaashiga dhanka isdhexgalka bulshada , ganacsiga iyo maalgashiga , hal-abuurka tiknolojiyadeed , cimillada , tamarta nadiifka ah, amniga iyo caafimaadka.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweyne William Ruto ay soo gaartay casuumaad rasmi ah oo uga timid dhigiisa Maraykanka taasi oo uu uga mahadceliyay.
Waxaa uu xusay inuu daneynaya in ay ka wada xaajoodaan arrimo aan ku koobnayn siyaasad iyo dhaqaale balse sidoo kale mabaadi’ida bulsho iyo dowladeed.