Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay shilkii laga soo tabiyay xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi ay gaartay 9 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii geeriyooday hal qof oo dheeraad ah oo ka mid ahaa dhaawacyada la daaweynaya.
Booliiska ayaa tirada dhaawacyada ku sheegay 18 qof .
Baabuurka shilka galay ayaa ka mid ah gawaarida shirkadda Naboka Sacco wuxuuna ka yimid Gataka oo ka tirsan Waqooyiga Kajiado wuxuuna ku soo wajahnaa Nairobi ka hor inta uunan ku dhicin qayb ka mid ah webiga Mbagathi River oo u dhow jaamacadda Cooperative University of Kenya ee xaafadda Karen.