Ekuru Aukot oo qaramada midoobay u gudbinaya dacwad ka dhan ah in booliiska Kenya la geeyo Haiti

0
247

Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance ,Ekuru Aukot ayaa sheegay inuu qaramada midoobay u gudbin doono dacwad uu uga soo horjeedo in qaar ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka la geeyo dalka Haiti.
Aukot ayaa dowladaha Kenya iyo Maraykanka ku eedeyay in ay ka mid yihiin dalalka faragelinaya arrimaha Haiti.
Waxaa uu ku doodaya in qorshaha qaar ka mid ah saraakiisha booliiska ee dalka halkaasi lagu gaynaya uu yahay qiil lagu sii wadaya guumaysiga.
Jimcihii ayay ahayd markii uu maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonaya in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu saraakiil u diro dalka Haiti maadaama sida uu hadalka u dhigay tani ay xadgudub ku tahay xeerarka dastuuriga ah.
Aukot ayaa ku doodaya in Kenya ay wajahaysa caqabado amni oo gaar u ah sidaasi awgeedna saraakiisheeda ammaanka aynan macluumaad dhameystiran ka hayn baaxadda iskudhacyada rabshadeysan ee ka taagan wadanka Haiti.
Waxaa Aukot dacwad uu u gudbinaya qaramada midoobay garab ku siinaya xildhibaan hore Kabando wa Kabando iyo karaanigii hore ee Nairobi Philip Kisia.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in dhawaan 200 oo ka mid ah booliiska dalka la geynaya Haiti.