DHAGEYSO:Xildhibaanada ODM oo ugu baaqay dhigooda Kenya Kwanza inay gaashaanka u daruuraan hindise sharciyeedka maaliyadda

0
243

Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha qaran ee xeer dejinta ee xisbiga ODM ayaa ugu baaqay dhigooda isbeheysiga Kenya Kwanza in aynan ansixin hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo dhigiisa Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa ballanqaaday in marka loo soo bandhigo hindisahan ay qaadici doonaan.
Waxay dhanka kale ku baaqeen midnimada xisbiga ODM.