DHAGEYSO:Sossion oo wacad ku maray inuunan is casili doonin

0
876

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay in uunan iska casili doonin matalaadda macallimiinta iyo xubinimada baarlamaanka.
Mas’uulkan ayaa xilli uu warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee KNUT ee Nairobi sheegay in cadaadis dhanka dhaqaalaha ah lagu hayo ururka KNUT.
Waxaa uu macallimiinta ururkan xubnaha ka ah ku wargeliyay in lacagaha laga qaado ay ku wareejiyaan akoonnada rasmiga ah ee dalladdan.