QM oo sheegtay in aan la aqbali karin duullaanka Rafah

0
609

Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin duullaan kasta oo laga fuliyo magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza ee dalka Falastiin.
Arrintan ayuu ka sheegay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka carbeed.
Waxaa uu xusay in waxa ka taagan Qaza uu qalbi jab yahay sidaasi awgeedna duullaanka Israa’iil uu yahay dhaawac saameyn kara gobolka Bariga Dhexe oo dhan.
Xoghayaha ayaa sheegay in dardarta iyo baaxadda duullaanka militari ee socda marka la eego ay howlgallada Israa’iil yihiin kuwii ugu darnaa ee uu dhiig ku daato intii uu qabtay hoggaanka jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Waxaa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay bartilmaameedsiga shacabka , wariyaasha , shaqaalaha gargaarka iyo howlwadeennada qaramada midoobay.
Antonio Guterres ayaa sheegay inuu mar kale dalbanaya in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo siidaayo maxaabiista u kala xiran Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa uu cadeeyay in aan marnaba qiil loo heli karin ciqaab wadareedka ka dhanka ah Falastiiniyiinta.