200 oo ka mid ah booliiska Kenya oo loo diraya Haiti

0
642

Wargeyska Nation Newspaper ayaa ku warramaya in toddobaadka dambe ay dalka Haiti u ambabixi doonaan 200 oo ka mid ah ciidamada booliiska.
Saraakiishan ayaa 23-ka bishan Shanaad tagi doono magaalada Port-au-Prince .
Bishii Toddobaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay diyaar u tahay in 1,000 ka mid ah saraakiisheeda ammaanka ay gayso Haiti oo ay hoggaamiso howlgalka nabad-sugidda ee dalkaasi.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu dhawaan safar ku tagi doono Maraykanka.
Xukuumadda Washington ayaa ballan qaaday in ay howlgalka nabad-sugidda ee wadanka Haiti ku taageeri doonto ilaa 100 milyan oo doolar una dhiganta 13 bilyan oo shilin.