Waaxda saadaasha hawada ee wadanka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobab culus ay ka da’aan buuralayda gobolka Bartamaha , Nairobi , Galbeedka, Waqooyiga Galbeed ee Kenya, aagga Harada Victoria iyo gobolka Rift Valley.
Waxay waaxdu sheegtay in ay u badan tahay in ay sii da’aan roobabka ka jira ismaamullada Kajiado iyo Machakos.
Dhanka kale , waxay saadaashu tilmaamaysa in xilliyada habeenkii heer kulka Xeebta iyo Waqooyi Bari uu noqonaya mid ka sarreeya 30 degree Celsius.
Sidoo kale waxaa dabeylo uu xawaarahoodu yahay 12.9 miitar halkii ilbiriqsi laga dareemi karaa gobollada Bartamaha Kenya, Waqooyi Bari , Bariga iyo Xeebta.