DHAGEYSO:Ururrada bulshada oo dibadbax ka sameeyay Nairobi

0
412

Waxaa magaalada Nairobi dibadbax ka dhigay qaar ka mid ah ururrada rayidka ee dalka .
Kooxahan ayaa dalbanaya in la joojiyo guriyaha sida degdegga ah looga dhisaya magaala madaxda wadanka.
Sidoo kale waxay dowladda ku dhaliileen in ay meelihii ay degganaayeen ay ka daadgureysay shacab oo guriyahoodana laga burburiyay xilli weli la dareemaya saameynta roobabka da’ay iyo daadadka ka dhashay.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ururrada rayidka ee maanta dibadbaxa sameeyay ayaa warbaahinta la wadaagtay dareenkeeda.