Iyadoo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ay baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan oo la doonaya in dowladdu ay canshuur dheeraad ah ku hesho ayaa waxaa arrinkan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah kenyaanka.
Dadweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in culeys nololeed oo dheeraad ah ay horseedi doonto tallaabada liiska waxyaabaha aan la canshuurin looga saaray rootiga.
Shacabka ismaamullada Samburu iyo Kitui ayaa maamulka madaxweyne William Ruto ku boorriyay inuu tixgeliyo sicir bararka nololeed ee ay muwaadiniinta la daala dhacayaan.