Ugu yaraan 39 Falastiiniyiin ah oo la dilay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
339

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay duqeymaha Israa’iil lagu dilay in ka badan 39 qof oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa tirada guud ee dadka la dilay laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 35,272 halka la dhaawacay 79,205 kale.