Safiiradda dowladda Maraykanka ku matasho Kenya ,Ambasadoor Meg Whitman ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku boorrisay inuu shaqo abuur u sameeyo dhallinyarada ka hor inta aan la kordhin canshuurta.
Baaqan ayay jeedisay xilli ay xalay u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Whitman ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in uruurinta canshuurta ay noqoto mid joogto ah si loo xasiliyo dhaqaalaha wadanka.
Hasa ahaate waxay ku talisay in la ballaariyo siyaabaha lagu helo dakhli dheeraad ah.
Waxay carrabka ku adkeysay in haddii kenyaanka intooda badan ay haystaan shaqooyin ay mushaar sare ka qaataan ay dowladdu u fududaan karto in ay canshuurta kordhiso.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in qorshihiisa uu yahay ka hor inta uunan dhammaan muddo xileedkiisa in canshuurta laga qaado kenyaanka ay gaarto boqolkiiba 22.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay in ay dulqaataan isagoo u sheegay in tallaabooyinka adag ee uu dhaqangelinaya awgood ay kenyaanka dib uga mahadcelin doonaan maamulkiisa.
Ruto ayaa ku celceliyay inuu ogyahay in aan lagu waafaqi doonin kordhinta canshuurta balse uunan marnaba ka gaabin doonin sida uu hadalka u dhigay ka shaqeynta sidii ay Kenya dhaqaale ahaan isugu filnaan lahayd.
Home Wararka Kenya Safiiradda Maraykanka ee Kenya oo dowladda ugu baaqday in ay dhallinyarada shaqo...