28 bilyan oo la dhacay oo dib loo helay

0
504

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in qiimaha hantida lacageed ee la dhacay taasi oo dib loo helay sanadkii 2023-kii uu gaaray 28 bilyan oo shilin.
Qiimahan ayaa sanadkii 2018-kii ahaa 3.565 bilyan oo shilin.
EACC ayaa shaacisay in hantidan ay tahay mid la lunsaday maadaama aan la caddeyn qaabkii lagu helay.
Sidoo kale guddiga ayaa laga soo xigtay in uu ka hor tagay lunsashada hanti dadweyne oo dhan 41.3 bilyan oo shilin.
Macluumaadkan ayaa ku xusan warbixinta sanad maaliyadeedkii 2022/2023-kii ee ay EACC shalay soo saartay.