EACC oo doonaysa in shakhsiyaadka lagu cadeeyo musuqmaasuqa aynan qaban xil hoggaamineed

0
265

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo xeerarka lagula tacaalo musuqa ee dalka si dadka lagu helo falalkan aynan u qaban xilalka hoggaanka.
Madaxa fulinta ee EACC, Twalib Mbarak ayaa sheegay in haddii taladan la tixgeliyo ay yaraan doonto faragelinta marqaatiyaasha kiisaska kala duwan ee lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Waxay doonayaan in haddii qof mas’uul ah lagu eedeeyo musuqmaasuq in la hor istaago inuu tago xafiiskiisa si aynan saameyn u soo gaarin caddeymaha ka dhanka ah.
Guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC,David Oginde ayaa dhankiisa xusay in ay caqabado kala kulmaan baaritaannada mas’uuliyiinta maadaama ay hoggaamiyaasha isku dayaan in ay carqaladeeyaan geeddisocodka baaritaannada.
Waxaa uu Oginde sheegay in marka uu qofka xil hayo uu awood u yeelan karo inuu diido in dokumeentiyada qaar la eego ,in la wareysto dadka ku marqaati kici kara oo uu cabsi geliyo.
EACC ayaa dhanka kale sheegtay in ay soo gabagabeysay baaritaano dhan 97 oo la xiriira falalka musuqmaasuqa iyo dembiyada dhaqaale.
Guddiga ayaa sidoo kale soo gabagabeeyay 61 baaritaano ah oo lagu eegayay ku xadgudubka hufnaanta laga doonaya madaxda.
EACC ayaa sheegtay in 27 ka mid ah eedeysanayaasha dacwadahan laga gudbiyay ay maxkamaduhu ku heleen dembiyo , 27 kale waa la fasaxay ka dib markii wax dembi ah lagu waayay halka ilaa 8 kiis laga saaray maxkamadaha.