Golaha barasaabyada dalka oo wada hadallo la yeelanaya dhakhaatiirta daawooyinka bixiya ee KUCO

0
210

Waxaa ay wada hadallo u socdaan mas’uuliyiinta golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) iyo dalladda ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee (KUCO).
Fadhiyada ayaa diiradda lagu saaraya xal u helidda tabashooyin ay saraakiishan caafimaadka qabaan iyo shaqo joojin ay ku guda jiraan.
Dhakhaatiirta ayaa doonaya in la dhaqangeliyo heshiis gorgortan ku saleysnaa oo la wada gaaray sanadkii 2021-kii.
Qodobbada heshiiskaasi ku xusan ee ay dalbanayaan in lagu tallaaba qaado waxaa ka mid ah in la siiyo gunnada khatarta ama halista shaqo ee loo yaqaano risk allowance oo dhan 15,000 oo shilin.
Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha CoG, Muthomi Njuki, ayaa sheegay in ay dhakhaatiirta kala xaajoon karaan keliya waxyaabaha iyaga hoos tago sidaasi awgeedna ay jiraan arrimo u baahan in dowladda sare ay kala gorgortamaan.
Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO Peter Wachira ayaa sheegay in wada hadallada ay sii socon doonaa Khamiista.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wada xaajoodka ay la yeelanayaan golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ay qasab tahay in ay ku qotomaan is-afgaradkii 2021-kii ee CBA.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in si joogto ah loo shaqaaleysiiyo saraakiisha hadda qaab qandaraas ah ku howlgalo.
Sidoo kale waxay rabaan dallacsiinta howladeeno tan iyo sanadkii 2013-kii ku diiwaangashan hal heer oo shaqo iyo in la shaqaaleysiiyo 20,000 oo dhakhaatiir dheeraad ah.