Waxaa aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ka socoto munaasabad lagu dhaarinaya 20 garsoorayaal ah oo ka howlgeli doono maxkamadda sare ee wadanka.
Xaakinnada uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isugu jiro 12 rag iyo 8 haween ah.
Garsoorayaashan ayaa kala ah Moses Ado Otieno, Alice Chepngetich Bett Soi, Benjamin Mwikya Musyoki, John Lolwatan Tamar, Francis Weche Andayi, Andrew Bahati Mwamuye, Julius Kipkosgei Ng’ arng’ ar, Wendy Kagendo Micheni, Emily Onyando Ominde, Helene Rafaela Namisi, Alexander Muasya Muteti, Julius Mukut Nangea, Benjamin Kimani Njoroge, Caroline Jepyegen Kendagor, Stephen Nzisi Mbungi, Linus Poghon Kassan, Noel Onditi Adagi Inziani, Tabitha Ouya Wanyama, Rhoda Cherotich Rutto iyo Joe Omido Mkutu.
Waxay ku biiri doonaan 78 garsoorayaal ah oo ka shaqeeya 45 xarumood guud ahaan wadanka.
Waaxda cadaaladda ee dalka ayaa laga soo xigtay in garsoorayaasha dheeraadka ah ee la howlgelinaya ay fududeyn doonto helidda adeegyada cadaladeed ee shacabka iyo in meesha laga saaro kiisaska badan ee maxkamadaha hor yaalla.
Hoggaamiyaha dalka ayaa magacaabiddan sameeyay ka dib talo ka soo gaartay guddiga adeegga waaxda garsoorka ee JSC.
Shakhsiyaadka maanta la dhaarinaya ayaa ku soo baxay turxaan bixin ay JSC soo gabagabeysay 30-kii bishii hore waxaana magacyadooda 9-kii bishan lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
13-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayuu guddiga adeegga garsoorka ee JSC soo xayeysiiyay in fursado shaqo oo dhan 20 ay ka bannaan yihiin maxkamadda sare ee dalka.
Waxaa codsiyo soo dirsaday 305 ruux oo 100 laga soo xushay kuwaasi oo turxaan bixinta ka dib ay soo hareen 20.