Askari ku dhintay weerar ay Al Shabaab ka gaysatay xuduudda Yumbis ee ismaamulka Garissa

0
574

Ugu yaraan hal askari oo booliis ah ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ka dib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay bam gacmeed ku weerareen ciidamo ku sugnaa aagga Yumbis ee xuduudda dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaa sidatan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Garissa John Samburumo.
Sarkaalka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Francis Ngugi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu sidoo kale kale ku dhaawacmay sarkaal lagu magacaabo Gilbert Bet.
Ciidamada ilaallada xuduudaha iyo kooxda Al Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal koobaan ka hor inta aysan baxsan dableyda.
Kooxda weerarka gaysatay ayaa la baxsatay qori AK47 iyo 90 xirmo rasaas ah.