Aqalka sare ee dalka oo kal-fadhi yeelanaya

0
480

Waxaa uu hadda kal-fadhi gaar ah u furmayaa xubnaha aqalka sare ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shirkan ku baaqay guddoomiyaha senate-ka Kenya Mr. Ken Lusaka.
Sida lagu sheegay barta rasmiga ee facebook-ga baarlamaanka dalka kal-fadhigan ayaa diiradda lagu saari doonaa hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka wadanka.
Sidoo kale waxaa la soo bandhigi doonaa warbixin uu soo saaray guddiga isku-dhafka ah ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda.
Guddigan ayaa warbixintiisa ku gabagabeeyay baaq uu u jeedinayo senatarrada oo ah in ay ansaxiyaan qorshaha BBI ee laga meel mariyay in badan oo ka mid ah golayaasha ismaamullada dalka.