Waxaa si rasmi ah xilkeeda ula wareegtay Major General Fatuma Axmed oo dhawaan loo magacaabay taliyaha ciidamada militariga ee ilaaliya hawada dalka ee Kenya Air Force.
Waxay jagadan kala wareegtay John Omenda oo laga dhigay ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka ee KDF.
Omenda ayaa bogaadiyay magacaabidda Fatuma Axmad wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in garab lagu siiyo gudashada waajibaadkeeda maadaama ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee xilkan qabata.
Sidoo kale waxaa uu dhammaan ciidamada militariga hawada kula dardaarmay in ay qaranka ugu adeegaan si xirfad iyo hufnaan ay ku dheehan tahay.