Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kooxaha ka qayb qaadanaya geeddisocodka nabadeed ee Suudaanta Koonfureed ku boorriyay in ay daacadnimo muujiyaan si loo gaaro xal waara.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wada xaajoodyada socdo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee wadankaasi saameyay.
William Ruto ayaa xusay in barnaamijka ‘Tumaini’ uu isu keenay ilaa 8 koox oo kala duwan si wada hadallada ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku daahfuray wada xaajoodyo heer sare ah oo xal loogu raadinaya nabadgalyo la’aanta ka taagan Suudaanta Koonfureed.
Waxaa madashaasi madaxweynaha dalka ku wehelinayay dhigiisa Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit ,Lazarus Chakwera ( madaxweynaha Malawi), Hakainde Hichilema (Zambia), Nangolo Mbumba (Namibia), Faustin-Archange Touadera ( madaxweynaha Afrikada Dhexe ee CAR), Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat iyo mas’uuliyiin kale.