Wasiirka tacliinta oo sheegay in la kordhin doono muddada xilli dugsiyeedka 2-aad

0
465

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr.Ezekiel Machogu ayaa sheegay in la kordhin doono muddada uu ka kooban yahay xilli dugsiyeedka labaad ee billaabanaya Isniinta soo socoto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ardayda ay waqti ku filan u heli doonaan qaadashada casharrada iyadoo la tixgelinaya dib u dhaca ku yimid furitaanka xarumaha waxbarashada.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in dugsiyada dalka la furo 29-kii bishii hore ee April balse taasi ayaa dib loo dhigay ilaa 6-dii bishan.
Hasa ahaate madaxweynaha wadanka William Ruto oo wasaaradda tacliinta ku amray in ay qorshahaasi hakiso ayaa ugu dambeyn shaaciyay in dugsiyada dalka dib loo furi doono 13-ka bishan Shanaad ee May.
Waxaa uu madaxweynaha xusay in saadaasha hawada ay tilmaamaysa in xaaladda cimillada aynan sidii hore ahaan doonin maadaama la rajeynaya in roobabka ay sii yaraadaan.
Dib u dhaca ku yimid furitaanka dugsiyada ayaa waxaa sababay roobabka culus ee da’ay iyo daadadka ka dhashay oo waxyeello gaarsiiyay kaabayaasha tacliinta.
Wasiir Machogu ayaa maanta sheegay in maalmo lagu kordhin doono jadwalka waxbarasho ee dalka xita haddii la dhimaya fasaxa.
Hasa ahaate waxaa uu cadeeyay in aan dib loo sii dhigi doonin xilliga imtixaannada qaran.