Gachagua oo ka qayb galaya baroordiiqa dadkii ku dhintay Mai Mahiu

0
212

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo baroordiiq wadajir ah oo loo qabanaya dadkii ku nafwaayay daadadkii saameeyay Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Musiibadan oo dhacday 29-kii bishii hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 58 qof halka 52 kalena ay dhaawacmeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sida ay dowladdu shaacisay ilaa iyo hadda 257 qof ay gudaha wadanka ugu dhinteen roobabka culus ee da’y iyo fatahaadaha ka dhashay.
Afhayeenka dowladda dhexe ,Isaac Mwaura ayaa shalay sheegay in weli ay socdaan howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya shakhsiyaadka la la’yahay.