Dugsiyada dalka oo la furi doono 13-ka bishan May

0
377

Waxaa uu qorshuhu yahay in dugsiyada dalka dib loo furo Isniinta soo socoto ee 13-ka bishan Shanaad ee May.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday xilli uu aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha ismaamullada Kajiado iyo Laikipia.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu adeegsanaya talada waaxda saadaasha hawada ee wadanka ee ah in xaaladda cimillada ay noqon doonto mid wanaagsan laga billaabo toddobaadka dambe.
Madaxweynaha ayaa dhammaan waalidiinta u sheegay in qiimeyn la sameeyay ka dib uu u xaqiijinaya badqabka ardayda sidaasi awgeedna uu isbuuca nagu soo aaddan dib u billaaban karo xilli-dugsiyeedka labaad.
Waalidiinta ayuu ku boorriyay in ay carruurtooda u diyaariyaan dib u furka xarumaha waxbarashada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyadoo loo maraya sanduuqa horumarinta deegaannada ee (NG-CDF) la bixin doono lacagaha dib loogu dhisaya kaabayaasha dugsiyada ee ku burburay fatahaadaha.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in dugsiyada dalka la furo 29-kii bishii hore balse tallaabadaasi ayaa dib loo sii dhigay ilaa 6-dii bishan ka hor inta aynan dowladdu jadwalkaasi beddelin saameynta daadadka awgeed.