Agaasimaha guud ee NCPB oo shaqada laga istaajiyay

0
133

Guddiga qaran ee kaydinta dalagyada ee NCPB ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay agaasimaha guud ee waaxdan Joseph Kimote.
Waxaa lagu beddelay oo xilkiisi sii hayn doono Samuel Karogo oo ahaa maareeyaha guud ee dhanka maaliyadda.
Guddoomiyaha guddiga maareeya NCPB,Samuel Ragwa ayaa tallaabada ay qaadeen u xaqiijiyay warbaahinta.
Waxaa uu sheegay in go’aanka shaqada looga istaajiyay agaasimaha guud iyo saraakiil kale uu yahay mid ku saleysan in ay ku lug leeyihiin fadeexadda bacriminta aan tayo ahaan gaarsiisnayn heerkii la rabay ee beeralayda laga iibiyay.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii la xiray
Kimote, xoghayaha dhanka shirkadaha John Kiplangat Ngetich, iyo maareeyihii guud ee suuqgeynta ee NCPB John Mbaya Matiri.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Mulele Ingonga ayaa ansixiyay in shakhsiyaadkan dacwad lagu soo oogo.