Madaxa ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa sheegay in wareeggii wada hadallada xabbad joojinta ee ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar uu soo gabagaboobay.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku eedeyay inuu carqaladeynaya wada xaajoodyada.
Xamaas ayaa dhanka kale dalbanaysa in Maraykanka uu u damaana qaado in Israa’iil aynan ku duuli doonin magaalada Koonfureed ee Rafah.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 34,683 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 78,018 kale.