Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed kula taliyay in ay xoogga saaraan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu uga digay in ay ku mashquulaan faafinta dacaayadda iyo hadallada aan micnaha lahayn.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kiambu ayuu siyaasiyiinta dowlad deegaankaasi ka codsaday in ay ka tanaasulaan isqabqabsiga hoggaamineed oo ay wax u qabtaan dadkii soo doortay.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ka codsaday in aynan naftooda halis gelin oo aynan isku dayin in ay gudbaan meelaha ay biyuhu ku badan yihiin.