Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Ezekiel Machogu ayaa amray in aan dib loo celin ardayda soo xaadiray iskuullada, si badqabkooda loo xaqiijiyo.
Waxaa uu sheegay in dugsiyada lagu sii hayo ardayda soo xaadiray islamarkaana kaliya guryahooda ay dib ugu laaban karaan marka la hubiyo badqabkooda maadaama roobab xooggan ay wali da’ayaan kuwaas oo ay saameyn ka dhalatay.
Mr.Machogu ayaa soo saaray tilmaantan ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay khudbad qaran jeediyay uu faray wasaaradda waxbarashada ee dalka inay hakiso dib u furka dugsiyada ilaa amar dambe.
Arrintan ayuu u aaneeyay roobabka xooggan ee wali da’aya oo ay daadadka ka dhasheen.
Isniinitii hore ayay ahayd markii qaar ka mid ah ardayda ay iska xaadiriyeen dugsiyada.
Hasa ahaate, bayaan xilli dambe ay soo saartay wasaaradda waxbarashada ayaa muddo toddobaad ah lagu kordhiyay muddadii hore taasi oo haddana wax laga beddelay.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa walaac ka muujiyay go’aanka dowladda oo ay sheegeen inuu ku soo aaday ka dib markii ay carruurtooda soo safreen si ay dugsiyada iskaga xaadiriyaan.
Waxaa uu qorshuhu u ahaa in dugsiyada dib loo furo 6-da bishan.