40 bilyan oo doollar oo ku baxaysa dib u dhiska Qaza

0
395

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duullaanka Israa’iil ee Qaza uu sababay dhimasho iyo burbur aan horay loo arag.
Baaxadda burburka ay duqeymaha Israa’iil gaysteen ayay ku tilmaantay mid aan la diiwaangelin tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dib u dhiska kaabayaasha Qaza ay ku baxaysa lacag dhan 40 bilyan oo doollar.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,596 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 77,816 kale.