Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu abaare 1-da duhurnimo ee maanta jeediyo khudbad qaran.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa kenyaanka la hadli doono isagoo ku sugan aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa arrinkan war saxaafadeed ku xaqiijiyay xoghayaha dhanka warbaahinta ee State House , Emmanuel Talam .
Madaxweynaha dalka ayaa la filayaa inuu khudbadiisa diiradda ku saaro xaaladaha daadadka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda ay dowladdu xaqiijisay in ay geeriyoodeen 188 ruux.
Dadkan ayaa isugu jiro 151 qof oo waawayn iyo 37 carruur ah.
Waxaa roobabka iyo daadadka ku dhaawacmay 125 ruux oo dheeraad ah iyadoo 90 kalena la la’yahay.
Sidoo kale waxaa barakacay 33,100 oo qoysas ah oo ka kooban 165,500 ruux.