NTSA oo leesimada kala laabatay 64 ka mid ah shirkadaha baabuurta dadweynaha

0
296

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ayaa leesimadii ay ku shaqeynayeen kala laabtay 64 ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano (PSV) .
Tani ayaa timid ka dib markii shirkadahan aynan u hoggaansamin xeerarka degsan.
Waxaa shirkadahan ka mid ah Kensilver, Mbukinya, Moline, Wamasaa, Kiambu United, Moro Express iyo kuwo kale.
Maamulka NTSA ayaa dadweynaha ku boorriyay in aynan raacin baabuurta shirkadahan ama aynan sii dalban tikedhadooda si aynan saameyn u soo gaarin.
Sidoo kale ciidamada booliiska ayaa lagu amray in ay qabtaan baabuurta shirkadahan haddii la arka iyagoo shaqeynaya.