Dagaal culus oo ka socdo Qaza

0
534

Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in goobjoogayaal ay sheegeen in ay maqleen rasaas culus oo ay is waydaarsanayaa ururka Xamaas iyo ciidamada Israa’iil.
Arrintan ayaa laga soo tabiyay isgoys muhiim ah oo ku yaalla bartamaha Qaza.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ugu yaraan 34,596 qof oo Falastiiniyiin ah ay duqeymaha Israa’iil ee Qaza ku dhinteen laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore halka la dhaawacay 77,816 kale.